Ogaysiis Ku Saabsan Barnaamijka Diploma of Procurement and Asset Management Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa uu ogaysiinayaa dhammaan bahda jecel waxbarashada in uu furay barnaamij waxbarasho heer Di

Ogaysiis Ku Saabsan Barnaamijka Diploma of Procurement and Asset Management
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa uu ogaysiinayaa dhammaan bahda jecel waxbarashada in uu furay barnaamij waxbarasho heer Diploma ah, kaas oo lagu baranayo Diploma of Procurement and Asset Management.
Barnaamijkan waxa fursad u leh inay soo codsadaan dhammaan dadka danaynaya horumarinta aqoontooda iyo xirfaddooda dhinaca Iibsiga iyo Maareynta Hantida.
Isdiiwaangelinta:
Muddada isdiiwaangelintu waxay soconaysaa 5-ta Janaayo ilaa 18-ka Janaayo 2026.
Tirada ardayda la qaadanayo waa mid kooban, sidaa awgeed waxaa la dhiirrigelinayaa in la dadajiyo isdiiwaangelinta.
Shuruudaha Isdiiwaangelinta:
1) Shahaadada Dugsiga Sare (Asal/Original)/ iyo ( wixii kasareeya)
2) Laba (2) sawir oo passport ah
Waqtiga iyo Muddada Waxbarashada:
1) Waqtiga: 04:00 galabnimo – 06:00 fiidnimo
2) Muddada: 8 bilood
3) Maalmaha: 1-3 maalmood laga bilaabo Sabtida-Isniinta
Faahfaahin Dheeraad ah:
Macluumaad dheeraad ah waxa laga heli karaa Xarunta Hargeysa ee Machadka Shaqaalaha Dawladda.