Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda waxa caawa hotel baraar UGA qabsoomay Xafladd lagu Gudoonsiinayo Ardaydii ku guulaystay Horyaalka Kubada cagta, ardaydi ku guulaystay dhaqanka iyo tartaka Quraanka ee Ma

Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda waxa caawa hotel baraar UGA qabsoomay Xafladd lagu Gudoonsiinayo Ardaydii ku guulaystay Horyaalka Kubada cagta, ardaydi ku guulaystay dhaqanka iyo tartaka Quraanka ee Machadku qabtay.
Xafladaas waxa kaso qayb galay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mustafe Ahmed, Agaasimaha waaxda Qorshaysan iyo Istaatikada, Kuxigeenka Agaasimaha waaxda waxbarashada, iyo masuuliyi kale oo Machadka ka tirsan,Dhanka kale waxa kaso qayb galay Agaasimaha guud ee ururka SOYDAVO Abdisalan awke.
Ugu horayn Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo Maaliyada oo Halka ka hadlay Muhiimada ay leedahay tartankan iyo sababa ugu wawayn lo qabtay. Agaasimaha waaxda Qorshaysan iyo Istaatikada isna ka hadlay tartankan iyo marxaladaha usomaray iyo inta qaybood u ka kooban isago UGA mahad celiyay ururka SOYDAVO oo kala shaqaynayay Diirigalinta iyo kobcinta Dhalinyada wax ka baranysa Machadka.
Inta kadib, Agaasimaha guud ee ururka SOYDAVO aya isna ka hadlay oo sheegay inay u taganyihin inay dhisaan korna u qadaan dhaqanka iyo dintaba ayna markasta garab taganyihin Machadka.
Ugudanbayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo Maaliyada aya gudoonsiiyay ardaydo ku guulaysatay Tartanka quraanka iyo gabayada Kuna dhiiriyay dadalkooda maskaxeed iyo kuwa jidheedba ku dadalan Kuna dhiiriyay.