Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Agaasimah

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta hawlaha Machadka, Ugu horrayn, Agaasimaha Fulinta ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ayaa soo bandhigay ajandaha shirka.
Intaa ka dib, Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo istaatikada ayaa ka war-bixiyay warbixintii sannadlaha ahyd diyarintedi o so dhamatay iyo warbixinta qorshaha sannadka isana so dhamatay.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Tababarada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan Barnaamijkii wax soo iibsiga ee Dibloomada (procurement Diploma Program).
Dhanka kale, waxa sida oo kale ka hadlay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha oo ka warbixinta qiimaynta Shaqaalaha isla markana laqabandoono Xafladdii lagu gudoonsinayay shaqaalahii sannadkii hore u wanagsana .
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda joogtada ah iyo shaqada muuqata ee ay qabteen, isaga oo ku bogaadiyay waxqabadkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta Machadka.