Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenk

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Mac'hadka ee Waxbarashada iyo Cilmibadhista Abadikadir Kamil
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta hawlaha Machadka, Ugu horrayn, Kuxigeenka Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo istaatikada ayaa soo bandhigay ajandaha shirka.
Ugu horayn, Agaasimaha waaxda Maaliyada aya sharaxaad kooban ka bixiyay warbixinta Maliyada ee Sannadki hore 2025, inta wuxu raciyay qorshaha uyaala ee ay wax qabadkooda wadaan .
Intaa kadib, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Ayaa ka warbixiyaya Qorshayashiisa ugu hore sannadkan iyo diday u qabanayaan.
Dhanka kale, waxa sida oo kale ka hadlay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha oo ka warbixinyay diyarinta Xafladda lagu gudoonsinaayo shaqaalahii sannadkii hore u wanagsana iyo halkay umarayso.
Ugu dambayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Machadka ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda joogtada ah iyo shaqada muuqata ee ay qabteen, isaga oo ku bogaadiyay waxqabadkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta Machadka