Xalay, Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa uu sii sagootinayay Mr. Badri abdilahi Mohamoud, oo xilal kala duwan kasoo qabtay mac-hadka. Badri oo u diga rogtay inuu noqdo maamulaha iskuulka Pharo Sheikh

Xalay, Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa uu sii sagootinayay Mr. Badri abdilahi Mohamoud, oo xilal kala duwan kasoo qabtay mac-hadka. Badri oo u diga rogtay inuu noqdo maamulaha iskuulka Pharo Sheikh Secondary School, ee ku yaal magaaladda Sheikh.
Xafladaas sagootinta iyo ducadda iskugu jirtay waxaa kaso qayb galay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Daawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi, Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caymiska Qaranka mudane abdirahman muuse, gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maliyada ee jamacada Admas mudane mubarik abdulahi daljir, maamule kuxigeenka schoolka Pharo Sheikh Secondary School mudane Khadar Abdi Ibraahim (Khadar Sos) iyo dhamaan shaqaala waynaha Machadka.