Xafladii isku sidkanayd ee xalay ka dhacday Hotel Baraar waxa lagu soo bandhigay wixii Machadka u qabsoomay sanadkii tegey 2024. kaas oo si kooban uu uga warbixiyay Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Ho


Xafladii isku sidkanayd ee xalay ka dhacday Hotel Baraar waxa lagu soo bandhigay wixii Machadka u qabsoomay sanadkii tegey 2024. kaas oo si kooban uu uga warbixiyay Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Machadka mudane Mohamoud Saed.
Sanadkii 2024 wuxuu Machadka u ahaa sanad barkhadeed uu gaadhey fulinta himilooyin waa weyn ayna fuleen waxqabadyo la taabankaro oo qaranka faa’iidooyin waa weyn u leh dhinaca tayaynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo kor uqaadista shaqada iyo cilmi baadhisyo.
Hawlahani waxay qayb kayihiin, fulinta qorshaha Machadka ee shanta sano oo laga soo dheegey qorshaha horumarinta qaranka ee shanta sano (National Development Plan), ee la xidhiidha kobcinta iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dawladda, taas oo uu Machadka shaqaalaha dawladduna gadhwadeen uga yahay qaranka.
Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Cilmi Baadhista ee Machadka Mudane Dr. Said Adam Abi Ayaa isna Xafladaas kuso jediyay Cimi baadhis aya ku sameeyeen caqabadaha hortaagan maamulka istiraatijiyadeed ee hay'adaha dawladda Somaliland.