Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo maaliyada Macha

Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo maaliyada Machadka Shaqaalaha Dawladda iyo kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Taclinta iyo Cilmibaadhista Machadka Shaqaalaha Dawladda.
Qodobada Shirkaa lagaga wada hadlayay ee lagu dardargalinayay waxa ka mid aha warbixin kooban oo ay kabixisay Kuxigeenka Agaasimaha waaxda Maaliyada Warbixintaas oo ku saabsanayd Waxbarashada heerka labaad ee Machadka, Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Maamulka guud Ayaa isna ka warbixiyay sida ay u diyariyeen dhankooda ku aadan ardayda ka qalinjabinysa sannadkan machadka.
Ugu danbayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyada machadka Shaqalaha Dawladda Ayaa ugu mahadceliyay Agaasimayasha kuna hambalyey shaqada u hayaan qaranka iyo machadkaba.