Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabsoomay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka S

Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabsoomay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad .
Shirka waxaa lagu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta howlaha Machadka. Ugu horreyn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo Maaliyada aya sharaxaad kooban ka bixiyaya ajandaha kulankan, Dhanka kalay Agaasimaha Fulinta Machadka ayaan warbixino ka bixiyay kulama shaqo oo uu la qaatay masuulo qaran sida Shirkii 26aad ee maamul daadajinta JSL.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa warbixin kooban kabixiyay shir uu ka qaybgalay oo aha (xuska maalinta xogta Africa) waxa kale uu sharaxay shaqooyinka u yaala waaxda, dhanka kale, Agaasimaha waaxda Tababarada aya sharaxaad ka bixiyaya Barnaamijkii Ingiriisiga ee shahaadada diplomada ee sannadkan la qaadandoono iyo tababara u qorshaysan, Agaasimaha waaxda Cududa Shaqaalaha aya ka waramay dardargalinta wakhtiga shaqada isla markana lagula xisaabtamo iyo in ay diyarinayaan qiimayntii shaqaalaha iyodoo la xiganaya qorshayashii u yaalay.
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda iyo shaqada weyn ee ay qabteen, isagoo sidoo kale ku bogaadiyay waxqabadkooda