Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay Kuxigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee maamulka iyo maaliyada Mudane Mustafe Ahmed iyo ku xig

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay Kuxigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee maamulka iyo maaliyada Mudane Mustafe Ahmed iyo ku xigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee taclinta iyo cilmi badhista, ugu horayn kulankaas waxa warbixin ka bixiya Agaasimaha waaxda maamulka guul hawlaha shaqo u yalay iyo kuwa u qabsoomay,dhanka kale Agaasimah waaxda Qorshaynta iyo horumarka Ayaa ka warbixiyay cilimi baadhis ay wadeen oo ku saabsanayd tayada machadka sida oo kale ku xigeenka Agaasimaha waaxda qorshaynta ayaa isna ka warbixiyay una sheegay agasimayaasha inay soo buxiyaan warbixinti qorshah saddex biloodka ah,dhanka tababarada ayaa waxa ka warbixiyay Agaasimaha waaxda Tababarada Barnamijkii ingirisiga iyo waxaa u qorshaysan, Sida oo kale Agaasimaha Waaxda Cududa shaqaalaha Aya ka warbixiyay wakhtiga shaqada iyo inay soo sarayaan warbixinkusabsan, dhanka kale waxa isna ka warbixiyay iskuduwaha waxbarashada heerka labaad ee macahdka qorshaha uyaala simistarka labaad isagoo ku sharaxay habka loo qabanayo,
Ugu danbayn, Kuxigeenka Agaasimaha fulinta machadka ayaa ku hambalyeeyay agasimayaasha hawlaha shaqo ee qaranka u hayaan ku dhiiriyay inay halaka kasii wadaan.