Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenk

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Taclinta iyo Cilmi-Baadhista, Mudane Abadikadir Kamil.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta hawlaha Machadka iyo horumarinta nidaamyada shaqo. Ugu horrayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ayaa soo bandhigay ajandaha shirka iyo ujeeddooyinka guud ee kulankan.
Intaa ka dib, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan Qorshaha Qiimaynta Waxqabadka Shaqaalaha (Performance Appraisal), iyadoo sharaxday habraaca, muddada lagu soo gudbinayo, iyo muhiimadda ay ugu fadhido tayaynta shaqada.
Sidoo kale, Iskuduwaha Waxbarashada Heerka Labaad ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayso isdiiwaangelinta ardayda cusub ee sanadkan, iyo jadwalka rasmiga ah ee bilowga fasallada.
Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimaynta waxbarashada heerka koowaad ee ay waaxdu waddo, isagoo sidoo kale sharaxay halka ay marayso qiimaynta waxbarashada heerka labaad.
Ugu dambayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda joogtada ah iyo shaqada muuqata ee ay qabteen, isaga oo ku bogaadiyay waxqabadkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta Machadka