Saaka, Hoolka Shirarka ee Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ka qabsoomay Shirki Agaasimahayasha kaas oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi, ugu horayn ku xigenka A

Saaka, Hoolka Shirarka ee Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ka qabsoomay Shirki Agaasimahayasha kaas oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi, ugu horayn ku xigenka Agaasimaha fulinta ee maamulka iyo maliyada aya warbixin kooban kasiyay hawlaha shaqo ee machadka iyo halkay marayaan, dhanka waxbarashada heerkeeda kobaad iyo heerkeda labaad, qorshaha ku aadan warbixinta sannad laha ah iyo qimaynta shaqaalaha, ku xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Tacliinta iyo cilmi baadhista ayaa si fahfahiyay waxbarashada heerka labaad iyo halkay wax u marayaan, Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta Ayaa si fahfahsan uga war bixiyay warbixinta sannadlaha ah iyo halkay u marayso kuna adkeyay agasime waaxeedyada inay hore u dhamaystiraan una so gudbiyaan.
sida oo kale, Agaasimaha Waaxda Cilmi baadhista Ayaa halka kusoo jediyay cilmi baadhis ay ku sameeyeen (Caqabadda maamulka istiraatijiyadeed ee hay'adaha dawladda ee Somaliland) iyadoo fursad loo siyay Arday ka mida ardayda wax ka barata heerka labaad ee waxbarasha machadka isaga oo kashana Agaasimaha Waaxda cilmi badhista.
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta Machadka Ayaa ugu mahad celiyay shaqada adag ay hayaan kuna booriyay inay sii horu mariyaan