Waxa uu Mac'hadaka Shaqaalaha Dawladdu saaka imtixaanaka galista waxbarasha heerka koobaad ee Machadka uu ka qaaday 900 arday Kor udhaafaysa oo u fadhiistay imtixaankaa, kuwaas oo isugujiray shaqaalah

Waxa uu Mac'hadaka Shaqaalaha Dawladdu saaka imtixaanaka galista waxbarasha heerka koobaad ee Machadka uu ka qaaday 900 arday Kor udhaafaysa oo u fadhiistay imtixaankaa, kuwaas oo isugujiray shaqaalaha wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda, ciidamada iyo maxkamadaha, iyo kuwo kasocday private sectors ka JSL.
Sidookale Waxa u furay imtixaanka galitaanka waxbarashada heerka koobaad ee machadka Agaasimaha Fulinta ee machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Maamulka sare machadka, dhanka kale waxaa si habsami ah hada u soo dhammaaday Imtixaankii galista Jaamacada ee uu Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu ka qaadayay ardayda sannadkan 2024-2025.
Mac'hadaku waxa uu u rajaynayaa ardeydaa guul iyo horumar insha allah