Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda mudane Moh

Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda mudane Mohamoud Saed Adad.
Qodobada Shirkaa lagaga wada hadlayay ee lagu dardargalinayay waxa ka mid aha warbixin kooban oo ku saabsan Waxbarashada heerka labaad ee machadka oo u ka warbixinayay Isuduwaha waxbarashada heerka labaad sidii ay u qabsoomtay soo jeedinta buugga waxbarashada heerka labaad (proposal hearing -Postgraduate programs), Dhanka kale Agaasimaha waaxda Tacliinta Ayaa isna so jeediyay waxbixin kusaabsan sida ay u qorsheeyen iyo xiliga laqabanayo, sida oo kale Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee maamulka iyo maaliyada machadka Ayaa soo bandhigay waxbin ku saabsan qorshaha cusub lixbiloodka iyo dib u egida qorshaha istirajiyadeed, sida oo kale Agaasimaha Waaxda Maamulka aya warbixin ka siiyay Agaasimayasha dib u haybta iyo cusbonaysinta machadka hantidisa.
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta machadka Shaqalaha Dawladda Ayaa ugu mahadceliyay Agaasimayasha kuna hambalyey shaqada u hayaan qaranka iyo machadkaba.