
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenk
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyada, Mudane Mustafe Ahmed.Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta hawlaha Machadka, Ugu horrayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ayaa soo bandhigay ajandaha shirka.
Intaa ka dib, Agaasimaha Waaxda Tababarada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan Barnaamijkii Barasha Luuqada Ingrisiga ee Dibloomada (English Diploma Program).
Sidoo kale, Iskuduwaha Waxbarashada Heerka Labaad ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayso isdiiwaangelinta ardayda cusub ee sanadkan, iyo jadwalka rasmiga ah ee bilowga fasallada.
Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda maamulka guud ayaa warbixin kooban ka bixiyay dib u habayn iyo haaginta ka socota machadka.
Ugu dambayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo maaliyada ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda joogtada ah iyo shaqada muuqata ee ay qabteen, isaga oo ku bogaadiyay waxqabadkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta Machadka
-
5983475001480544354071154367494345907800162nView -
59781616614805452640710634473401097280553357nView -
59841324914805452474043983469810383266388963nView -
59834509414805454307377137987421889928643446nView -
59775589114805451840710717379914124614147739nView -
59763873814805452040710691942557041623422307nView -
59793101214805452840710618019844191576530344nView -
5976412981480545310737725287079659460493564nView -
59863040714805444807378087352273652090715886nView
