Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu Arbacadii 30kii July 2025 soo agaasimay kulan aqooneed oo si gaar ah loogu qabtay ardayda sanadka koowaad ee ka tirsan Kulliyadda Maaraynta Cududda Shaqaalaha (De
Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu Arbacadii 30kii July 2025 soo agaasimay kulan aqooneed oo si gaar ah loogu qabtay ardayda sanadka koowaad ee ka tirsan Kulliyadda Maaraynta Cududda Shaqaalaha (Department of Human Resource Management). Kulankan waxa lagu casuumay Bare Sare Hamse Hussien, oo ah khabiir sare oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, si uu ardayda ula wadaago aqoontiisa ku saabsan arrimaha sixir-bararka (inflation).sida oo kale, kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Machadka Shaqaalaha Dawladdu ku doonayo in uu ku kobciyo fahamka ardayda ee arrimaha dhaqaalaha, si ay u noqdaan dad xirfad iyo aqoon leh marka ay u adeegayaan hay’adaha dawladda.
Ugu danbayn, Hormuudka Kuliyada Maaraynta Cududda Shaqalaha ahna baraha koorsada dhigayay Ahmed Egeh ayaa uga mahad celiyay bare sare Hamse Hussein Khibrada iyo aqoonta uu la wadagay ardayda wax kabarata machadka