Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda, xaruntiisa Burco ayaa ka qaaday imtixaankii u danbeeyay shaqaale baranayay luuqadda Af-ingiriisida, soona wadday muddo siddeed bilood ah. Shaqaalahani waxa ay ka kala s

Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda, xaruntiisa Burco ayaa ka qaaday imtixaankii u danbeeyay shaqaale baranayay luuqadda Af-ingiriisida, soona wadday muddo siddeed bilood ah.
Shaqaalahani waxa ay ka kala socdeen xafiisyada wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee dawladda, gaar ahaab xarumahooda gobolka Togdheer, si kor loogu qaado xirfadda luuqadeed ee shaqaale waynaha gobolka Togdheer.
Mac'hadku waxaa uu ka jawaabayaa baahiyaha xirfadeed ee shaqaale waynaha gobollada bari, tanina waxa ay ahayd baahi markaa taagnayd.