Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u furmay Tababar Kaas oo ahaa Conflict Resolution and Negotiation , Tababarkaas oo ay qadanayeen 10 wasaarado iyo hayado iskugu jiraan gaar ahan waaxda maray

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u furmay Tababar Kaas oo ahaa Conflict Resolution and Negotiation , Tababarkaas oo ay qadanayeen 10 wasaarado iyo hayado iskugu jiraan gaar ahan waaxda maraynta Shaqaalaha Tababarkaas oo socon doona muddo 5 cisho ah,
sida oo kale Tababarkaas waxaa Furitankiisi kasoo qayb galay tababarkaas Agaasimaha fulinta ee machadka shaqalaha Mudane Mohamoud Saed Adaad, Kuxigenka Agaasimaha Fulinta ee Taclinta iyo cilmibadhista mudane Abdikadir Kamal iyo Kuxigenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo maliyada mudane Mustafe ahmed, Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Tababarada Nuura nuux ayaa u sharaxday shaqalaha tababarkaas qadanayay waxa looga bahanyahay iyo shuruucda machadka, Tababarkaas oo uu bixinayay Khabiir ku takhasusay mudane Maxamed Yusuf .
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka Ayaa ku dhiiriyay inay ka faaidaystaan tababarkaas sida oo kalena ay ku celiyaan wasaaradaha ay ka imadeen aqoontaa ay ka faidaysandoonan kuna adkeyay inay u hogaansamaan shurucdaa iyo waxa looga bahanyahy tababarka