
Machadka Shaqaalaha Dawladda Waxaa saaka si Rasmi ah Loo Soo Gabagabeeyay Tababarkii Isku-xidhnaa ee (Result-Based Management). Maanta oo ay taariikhdu tahay 09 October 2025, ayaa si rasmi ah loo soo
Machadka Shaqaalaha Dawladda Waxaa saaka si Rasmi ah Loo Soo Gabagabeeyay Tababarkii Isku-xidhnaa ee (Result-Based Management).Maanta oo ay taariikhdu tahay 09 October 2025, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarkii isku-xidhnaa ee ku saabsanaa Nidaamka Maareynta Ku Saleysan Natiijooyinka (Result-Based Management – RBM).
Tababarkan ayaa ka koobnaa afar kooras oo muhiim ah oo kala ahaa:
Hordhac ku saabsan RBM (Introduction to RBM).
Qorshe Hawleed iyo Miisaaniyad (Workplan and Budgeting).
Kormeer iyo Qiimeyn (Monitoring and Evaluation).
Warbixinbixin (Reporting).
Muddo toban (10) cisho ah ayuu tababarku socday, waxaana ka faa’iideystay shaqaale ka kala socday 15 Wasaaradood iyo Hay’addo Dawladeed, gaar ahaan waaxyaha qorshaynta, si kor loogu qaado xirfadooda shaqo iyo tayada adeegga ay bulshada u hayaan.
Munaasabadda xidhitaanka tababarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Taclinta iyo cilmibadhista, Mudane Abdikadir Kaamil, oo ay wehelinaysay Agaasimaha Waaxda Tababarada Nuura Nuux.
Mudane Abdikadir Kaamil ayaa la dardaarmay dhammaan ka-qaybgalayaashii tababarka, isaga oo ku booriyay in aqoonta ay heleen ay si hufan ugu dabaqaan shaqooyinkooda, una gudbiyaan waaxyahooda si loo gaaro horumar la taaban karo, Dhanka kalena uga mahad celiyay tababarayashii sida wanagsan ugu dhigayay mudada uu socday Tababarku.
Ugu dambeyn, shaqaalihii dhamaystay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin, taasoo astaan u ah dadaalkii ay muujiyeen iyo aqoonta ay kororsadeen muddadii uu tababarku socday.