
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka furmay Tababar ku saabsan Siyaasadda Dawladda (Public Policy). Tababarkaas waxaa ka faai’daysanaya 30 Shaqaale Dawladeed ah oo ka kala socda waaxyaha Qorsh
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka furmay Tababar ku saabsan Siyaasadda Dawladda (Public Policy). Tababarkaas waxaa ka faai’daysanaya 30 Shaqaale Dawladeed ah oo ka kala socda waaxyaha Qorshaynta iyo Shuruucda ee 15 Wasaaradood iyo Hay’addood oo Dawli ah. Tababarku wuxuu soconayaa muddo 5 maalmood ah.Tababarkan waxaa furitaankiisa kasoo qaybgalay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad, oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda Tababaradda iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta. Tababarka waxaa bixinayay Khabiir Abdirashid Mohamed Jama.
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka ayaa ku dhiirigeliyey Shaqaalaha inay ka faaidaystaan Tababarkan muddada uu socdo.
