
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulan ay soo qabanqaabiyeen Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee Machadka, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda, Abdalla Hirad . Kulanka waxa ka
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulan ay soo qabanqaabiyeen Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee Machadka, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda, Abdalla Hirad . Kulanka waxa ka soo qayb galay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka.Ugu horrayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad , oo kulanka furay, ayaa ka hadlay muhiimada uu kulankani u leeyahay dardar-gelinta hawlaha Machadka iyo horumarinta nidaamyada shaqo.
Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa soo bandhigay ajandaha iyo ujeeddooyinka guud ee shirka. Qodobada muhiimka ah ee diiradda la saaray waxa ka mid ahaa:
1)Warbixinta qorshaha sannadeedka (quarter-ka afraad) iyo heelkay marayso.
2)Sidii loo kala dhaqan gelin lahaa nidaamyada iyo xeerarka shaqo ee Machadka.
3)In la aqoonsado caqabadaha hor taagan qorshaha sannadeedka iyo sida loo xallin karo.
4)Xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta dhammaan waaxyaha, si loo helo warbixin dhammaystiran oo tayo leh oo ku saabsan qorshaha sannadeedka.
Ugu danbayn, Agaasimahasha waaxyaha Kala duwan aya sharaxay waxyabaha u qorshaysna ee u qabsomay qorshaha sannadeedka Saddex biloodka ee afraad iyo waxyabaha an uga qabsoomin iyaga oo isla markana qodobada kulankana kadoodaya.
-
59756112314797196108202951887678066857792234nView -
59846662414797197874869443260305986570368834nView -
59506586214797236408198926902829447662125786nView -
59715356514797236574865575845550773085672942nView -
59738830414797239408198624323743493106099437nView -
5967563131479723710819885633945277706354655nView -
59785932914797236608198907914853572034920277nView -
5968071301479723827486540698136478087294992nView -
59645028614797240641531838606166578152855354nView -
59509194614797235474865683180145491934437809nView
