
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsomay Kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Dhamaan Shaqaale waynaha Machadka kulaankaaas oo uu agasiminayay Agaasimaha Fulinta Machadka mudane Mohamoud Sae
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsomay Kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Dhamaan Shaqaale waynaha Machadka kulaankaaas oo uu agasiminayay Agaasimaha Fulinta Machadka mudane Mohamoud Saed Adad, Agaasimaha ayaa warbixino koban ka jeediyay halkaaas oo la xidhiidha shaqada machadka iyo sidii loosii dardar galinlahaa, sida oo kale waxa hadal ka jeediyaay kuxigeena Agaasimaha ee taclinta iyo cilmi badhista iyo Kuxigeenka Agasimaha ee Maamulka iyo Maliyada iyo Qaar kamida shaqaale waynaha machadka oo ka waramay shaqooyinka gacanta ku hayaan iyo sida ay usii dardargalinlahayeen .Ugu danbayn, Agaasimaha fulinta Machadka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqada ay socoto iyo shaqooyinka kale u bahan dardargalinta uugana mahad celiyay shaqada hayaan.