Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabtay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaq

Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabtay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad.
Shirka waxaa lagu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta howlaha Machadka. Ugu horreyn, Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyadda ayaa ka warbixiyay ajandaha guud, halka Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Tacliinta iyo Cilmi-baarista uu si kooban u sharaxay qaybaha Tacliinta ee Machadka. Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa soo bandhigay warbixintii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, isagoo caddeeyay in qorshayaasha Machadka ay si wanaagsan u qabsoomeen.
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ayaa ka warbixiyay qiimayntii lagu sameeyay guud ahaan Machadka, wuxuuna uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda iyo shaqada weyn ee ay qabteen, isagoo sidoo kale ku bogaadiyay waxqabadkooda.