
Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabsoomay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka S
Machadka Shaqaalaha Dawladda saaka waxa uu qabsoomay shirka todobaadlaha ah, kaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad.Shirka waxaa lagu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta howlaha Machadka. Ugu horreyn, Isuduwaha Waxbarashada Heerka Labaad ee Machadka aya Sharaxaad kooban kabixiyay Diwaangalinta Ardayda cusbayd ee sannadkan iyo halkay marayso, isla markaana ugu diyaarinlahaaye habmaamulka waxbarashada ku aaday.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan NDP ||| uu ka qayb galay malinkii khamiista, Madax qaybeedka La socodka qiimaynta iyo hubinta tayada (Monitoring & Evaluation and Quality Assurance) ayaa isna sharaxay qiimayn ay ku sameeyeen macalimiinta wax ka dhigta heerka koobaad ee machadka, dhanka kale, Agaasimaha waaxda Tababarada aya sharaxaad ka bixiyaya Barnaamijkii Ingiriisiga ee shahaadada diplomada ee sannadkan la qaadandoono iyo waxay u qorsheeyeen, Qodobada kale ee muhiimka aha ee lagaga wada hadlay ayaa Dirada Saarayay Waxbarashada heerka koobaad ee Machadka.
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda iyo shaqada weyn ee ay qabteen, isagoo sidoo kale ku bogaadiyay waxqabadkooda.
