
Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda oo Soo Dhaweeyey Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa – 26 December 2025 Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Maxamuud Siciid Adad, isaga oo
Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda oo Soo Dhaweeyey Aqoonsiga Jamhuuriyadda SomalilandHargeysa – 26 December 2025
Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Maxamuud Siciid Adad, isaga oo ku hadlaya magaca dhammaan hawl-wadeennada Mac’hadka, waxa uu si diirran u soo dhaweeyey aqoonsiga ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay Dawladda Israa’iil.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in tallaabadani tahay mid taariikhi ah oo mar kale xaqiijinaysa in Jamhuuriyadda Somaliland tahay qaran buuxa oo leh dawladnimo shaqaynaysa, nabadgelyo sugan, iyo nidaam dimuqraadi ah oo ka hanaqaaday Geeska Afrika. Waxa uu intaa ku daray in aqoonsigani xoojinayo dadaalladii muddada dheer ay Somaliland ugu jirtay helidda aqoonsi caalami ah.
Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda waxa uu aaminsan yahay in aqoonsigani uu furi doono fursado cusub oo iskaashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waxbarashada, cilmi-baarista caalamiga ah, tababarrada, iyo deeqaha waxbarasho. Fursadahaasi waxa ay si togan u saameyn doonaan aqoonta, xirfadaha, iyo kartida Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaanba bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda waxa uu mar kale adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay nabad waarta, wada-shaqayn caalami ah, iyo xiriir ku dhisan is-ixtiraam, dano wadaag, iyo horumar waara.
