Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI, waxay martiqaadday Dr.Naasir Maxamed Cali agaasimaha Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka (IPCS) ee Jaamacadda Hargaysa. Dr.Naasir wuxuu u jeediyay ardayda

Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI, waxay martiqaadday Dr.Naasir Maxamed Cali agaasimaha Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka (IPCS) ee Jaamacadda Hargaysa.
Dr.Naasir wuxuu u jeediyay ardayda Machadka ee heerka koobad ee jamacada kujira sannadka labaad kulliyadda Public Adminstration, xoggo ku saabsan cilmi-baadhista.
Dr.Nasir waxaa uu khibrad dheeraada u leeyahay cilmi baadhista iyo hab-qoraalka tolmoon dhanka cilmi baadhista, waxa uu Naasir daabacay tiro qormooyin ah oo kaga hadlayo, Nabadda, amniga, iyo horamarka.
Abdisalan Mohumed madaxa kulliyadda maamulka xarumaha dawladda iyo siyaasadda, ayaa uga mahadnaqay Dr. Naasir oo khibradiisa ku aaddan Cilmi-baadhista. Waxa sidoo kale uu uga mahadnaqay Maxamed Cabdi oo ahaa macalinka kooraska (Research methodology) Cilmi Baadhista bixinayay.