Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute - CSI) waxa saaka imtixaanka gelitaanka waxbarashada heerka koowaad u fadhiistay in ka badan 900 arday, kuwaas oo ka kala socday wasaaradaha iyo

Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute - CSI) waxa saaka imtixaanka gelitaanka waxbarashada heerka koowaad u fadhiistay in ka badan 900 arday, kuwaas oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, ciidamada, maxkamadaha, iyo sidoo kale qaybaha gaarka loo leeyahay (private sector) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Furitaanka imtixaanka waxa ka qayb galay Agaasimaha Fulinta ee Machadka, Mudane Mohamoud Saed Adaad, Agaasime Ku-xigeenka Fulinta Machadka ee Tacliinta iyo Cilmi-baarista.Mudane Abadikadir Kamil iyo Agaasime Ku-xigeenka Fulinta ee Machadka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mustafe Ahmed.
Dhanka kale, waxa si habsami ah hadda u soo dhammaaday imtixaankii gelitaanka jaamacadda ee uu Machadku qaadayay ardayda sannad-dugsiyeedka 2025–2026.
Mac’hadku waxa uu u rajeynayaa dhammaan ardaydaasi guul, barwaaqo iyo horumar inshaa Allaah.