Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamuud Raage Ibraahin, ayaa 6dii, March, 2023 kulan lagu soo martiqaaday la qaatay ardayada kuliyadda Public Adminstration ee Machadka CSI. Kulankan oo lagu falanqeeya

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamuud Raage Ibraahin, ayaa 6dii, March, 2023 kulan lagu soo martiqaaday la qaatay ardayada kuliyadda Public Adminstration ee Machadka CSI.
Kulankan oo lagu falanqeeyay maamulka ganacsiga xarumaha dawladda (Public Sector and Enterprise Management), waxaa qayb ka ahaa macalimiinta iyo maamulka Machadka Shaqaalaha. Macalin Maxamed Maxamuud Haybe oo bixinayay tababbarkan ayaa qayb ka ahaa kulankan, sidoo kale waxa goobjoog ahaa agaasime ku xigeenka Macahadka, Mustafe Axmed iyo madaxa kuliyadda Maamulka Dawladaha Cabdisalaan Muxummed Aw Cabdi.
Maareeye Maxamuud, waxa uu leeyahay waayo'aragnimo maamulka ganacsiga dadwaynaha; shantii sanno ee ugu dambaysay waxa uu ahaa Maareeyaha Madbacadda Qaranka, waxa uu ardaydda kuliyadda uga warbixiyay caqabadaha maaraynta xarumaha dawladda, habka iyo hannaanka maamulka xafiisyada Dawladda, guulihii ay ku tallaabsadeen muddadaas uu xilka joogay iyo tala bixintiisa ku aaddan qodobkan. Kulankaas oo ka dhacay Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ardayda kuliyaddu ay ka qaateen doorkooda ku aaddan falanqaynta qodobkan si ay kor ugu qaaddo waayo'aragnimadooda maamulka xafiisyada dawladda.
Maamulka Machadku waxa ay si ballaadhan ugu mahadcelinayaan Maareeye Maxamuud oo wakhti badan ku bixiyay ardaydu si fahan balladhan ay uga helaan maamulka ganacsiga xarumaha dawaladda.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
As part of knowledge and experience sharing, Somaliland State Printing Agency Manager Mr Mohamoud Raage Ibrahim, has been invited to deliver guest lecture to the Centre of Public Administration and Political Science in the Department of Public Administration, particularly Sophomore Students. He offered a guest lecture on "Public Sector and Enterprise Management".
The Manager of Printing Agency has extensive experience and knowledge of Public Enterprise and sector management; He has been a manager of state printing agency for more than five years, passing through many stages and bringing it to a very high level. The Manager of State Printing Agency shared with the students Achievement. Challenges, Opportunities and Policy Recommendation during his tenure in the Somaliland State Printing Agency.
The Deputy Director of CSI, Mr Mustafe Ahmed Mohamoud, With The Dean of the Department, Abdisalan Muhumed, and The Lecturer of this course MR Mohamed Mohamoud, are grateful for the time and effort Manager Mohamoud invested in providing the students of Public Administration with a practical understanding of the Public Sector and Enterprise Management.