
Ardaydii dhawaan ka qalinjabisay waxbarashada heerka labaad ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, gaar ahaan Kuliyadda Maamulka Maaliyadda Dawladda (Public Financial Management), ayaa si wadajir ah u qabta
Ardaydii dhawaan ka qalinjabisay waxbarashada heerka labaad ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, gaar ahaan Kuliyadda Maamulka Maaliyadda Dawladda (Public Financial Management), ayaa si wadajir ah u qabtay Casho Sharaf ay ku xuseen is-dhexgalka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya ardayda iyo maamulka machadka.Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta ardayda iyo maamulka, iyo sida ardayda loo dhiirrigelin karo si ay u sii wataan waxbarashadooda, una qaataan kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta Maamulka Maaliyadda Dawladda iyo cilmi-baarista mustaqbalka.
Casho Sharafta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Machadka Shaqaalaha Dawladda, waxaana ka mid ahaa Isku-duwaha Waxbarashada Heerka Labaad ee Machadka, Mudane Abdirahman Haybe . Isku-duwuhu oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa diiradda saaray arrimo ay kamid yihiin dhiirrigelinta ardayda, iskuxidhnaanta dhanka waxbarashada, iyo horumarinta aqoonta maamulka maaliyadda dawladda.
Ugu dambayntii, ardayda qalinjabiyay ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Mudane Abdirahman Haybe iyaga oo uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee uu ku leeyahay waxbarashada heerka labaad ee Machadka Shaqaalaha Dawladda.
