Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenk

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyada, Mudane Mustafe Ahmed iyo Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Waxbarashada iyo Cilmibaadhista Mudane Abadikadir Kamil.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta hawlaha Machadka, Ugu horrayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyad ayaa soo bandhigay ajandaha shirka.
Intaa ka dib, Agaasimaha Waaxda Tababarada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan Galianka imtixanka Barnaamijkii Barasha Luuqada Ingrisiga ee Dibloomada (English Diploma Program) .
Sidoo kale, Iskuduwaha Waxbarashada Heerka Labaad ayaa warbixin ka bixiyay Koorsoyinka u diyarka ah iyo Qabashada Xafladda Jihaynta Ardayda Cusub ee waxbarashada heerka labaad xiliga ay u qorshaysantahay.
Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay Xiliga u qoondeyen Qabashada warbixinta qiimaynta Shaqaalaha iyo xiligay ay so gudbinayaan laguna qabanayo xafladda gudoonsiinta shaqaalaha sannadka ugu ficnaa.
Halka, Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo istaatikada uu ka war-bixiyay xiliga kamadanbaysta ah iyo sida ay usoo gudbinlahayen waaxyaha machadku warbixinta qorshaha sannadka.
Gunaanad shirka Agaasimaha waaxda Teknoolajiyada ayad soo jeediyay habab cusub oo uu kusoo kordhiyay sistamada uu machadku isticmaalo isagoo halka ku sharaxay isla markana wax laga waydiyay sida uu ushaqayno.
Ugu dambayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Maamulka iyo maaliyada ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha dadaalkooda joogtada ah iyo shaqada muuqata ee ay qabteen, isaga oo ku bogaadiyay waxqabadkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta Machadka