Agaasimaha Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Tababarrada Shaqaalaha Dawladda mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni ayaa maanta kulan isbarasho iyo isxogwaraysi ah la yeeshay hoggaanka ururka macall

Agaasimaha Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Tababarrada Shaqaalaha Dawladda mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni ayaa maanta kulan isbarasho iyo isxogwaraysi ah la yeeshay hoggaanka ururka macallimiinta jaamacadaha gobolka Tgdheer. Ugu horrayn agaasimaha ayaa uga xog warramay shaqooyinka Mac'hadka, hiigsiyadiisa gobollada bari, qorshayaasha u yaalla sannadkan xarunta iyo waxa ay tari karaan ururkaa oo ay ugu horrayso in ay ka caawiyaan tababaridda macalimiinta. Dhanka kale guddoomiyaha ururka macalliminiinta jaamacadaha ee Togdheer ayaa ka xog warramay ururka, ujeeddooyinkiisa iyo sida ay u wada shaqayn karaan Mac'hadka.