
28 December 2024, Kuliyadda dhaqaalaha ( Economic Department ) ee Machadka Shaqalahaa Dawladda Somaliland ayaa soo martiqaaday Cabdikariin Axmed Aw Xaashi (Guunje) oo ka tirsan wakaaladda wararka Som
28 December 2024, Kuliyadda dhaqaalaha ( Economic Department ) ee Machadka Shaqalahaa Dawladda Somaliland ayaa soo martiqaaday Cabdikariin Axmed Aw Xaashi (Guunje) oo ka tirsan wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA isla markaana aqoon iyo waayoaragnimo badan u leh maaraynta gaar ahaan hogaaminta iyo wada xidhiidhka.Kulankan oo ahaa mid aqoon isweydaarsi ah ayaa khabiir Cabdikariin ku lafoguray aragtiyaha iyo hababka hoggaaminta iyo sida loo horumariyo organizationska, Waxa kale oo uu Cabdikariin ka hadlay qaabka iyo siyaalaha loo dhiirigeliyo shaqaalaha si ay u xaqiijiyaan himilada iyo yididiilada hay’adda ay ka tirsan yihiin, Waxa uu tilmaamay in jihaynta shaqaaluhu ay u baahan tahay dedaalo badan oo la isku geygeeyay oo mararka qaarkood u baahan saqaafo badan oo dabciga bini aadanka ah.
Ugu dambayn, Khadar Maxamed oo ah macalinka koorsadaa maaraynta u dhigayay ardayda kuliyadda dhaqaalaha ee CSI Somaliland ayaa uga mahadceliyay khabiir Cabdikariin sida haboon ee uu ugu soo bandhigay ardayda aqoonta iyo waayoarganimadiisa maaraynta iyo siyaalaha hogaaminta casriga ah ee bini aadanka.