13 December 2025, Kuliyadda Maamulka Dawladda ( Public Administration Department ) ee Machadka Shaqalahaa Dawladda Somaliland ayaa soo martiqaaday Khadir Abdillahi Mohamed (Dhore) oo ka tirsan Hayadda

13 December 2025, Kuliyadda Maamulka Dawladda ( Public Administration Department ) ee Machadka Shaqalahaa Dawladda Somaliland ayaa soo martiqaaday Khadir Abdillahi Mohamed (Dhore) oo ka tirsan Hayadda Shaqaalaha Dawladda isla markaana aqoon iyo waayoaragnimo badan u leh maaraynta gaar ahaan hogaaminta, Hagida Iyo Dhiirigalinta
Kulankan oo ahaa mid aqoon isweydaarsi ah ayaa khabiir Khadir ku lafoguray aragtiyaha iyo hababka hoggaaminta iyo sida loo horumariyo organizationska, Waxa kale oo uu Khadir ka hadlay qaabka iyo siyaalaha loo dhiirigeliyo shaqaalaha si ay u xaqiijiyaan himilada iyo yididiilada hay’adda ay ka tirsan yihiin, Waxa uu tilmaamay in jihaynta shaqaaluhu ay u baahan tahay dedaalo badan oo la isku geygeeyay oo mararka qaarkood u baahan saqaafo badan oo dabciga bini aadanka ah.
Ugu dambayn, Khadar Ubahle oo ah macalinka koorsadaa maaraynta u dhigayay ardayda kuliyadda Maamulka Dawladda ee CSI Somaliland ayaa uga mahadceliyay khabiir Khadir sida haboon ee uu ugu soo bandhigay ardayda aqoonta iyo waayoarganimadiisa maaraynta iyo siyaalaha hogaaminta casriga ah ee bini aadanka