07,Oct 2025 Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa waxa ka qabsoomay shir ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudan

07,Oct 2025 Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa waxa ka qabsoomay shir ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad.
Shirka waxa lagu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xidhiidha dardargelinta howlaha machadka. Waxaa ugu horreyn hadal ka jeediyay Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Tacliinta iyo Cilmibaadhista, kaas oo uga mahadceliyay shaqaalaha sida hufnayd ku socodsiiyay ila markana qaybta wayn ka qatay imtixaanka galista Machadka, Agaasimaha waaxda Taclinta aya ka war bixiyay sida ay u qorsheeyeen ardayda sannadkan uu qadanayso Machadku
Intaa kadib, Isku-duwaha Heerka Labaad ee Waxbarashada Machadka ayaa ka warbixiyay hababka iyo qorshayaasha ay kuliyaduhu sannadkan ku qaadan doonaan ardayda cusub una dardargalindonan .
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa uga mahadceliyay islamarkana ku bogaadiyay Agaasimayaasha shaqadaa wayn ay hayaan.