Xaruunta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Hargeisa waxaa shalay ka qabsoomay kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Maamulka sare ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute CSI oo ugu horeeyo

Xaruunta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Hargeisa waxaa shalay ka qabsoomay kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Maamulka sare ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute CSI oo ugu horeeyo Agaasimaha fulinta ee machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Mamulka sare ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission oo ugu horeeyo Agasimaha guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mire Nuh, Kulankan oo ajandihiisu darnaa dib u habaynta qaab-dhismeedka Machadka iyo gaar ahaan Nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda oo dhawaan si rasmi ah loo hirgelin doono,
Ugudanbayn, iyadoo dibna loo eegidoono qaabdhismeedka loona saaray 6 xubnood oo iskugu jira labada hayadood si ay iskula meel dhigaan dib u habaynta qaab-dhismeedka Machadka