Xaruunta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Hargaysa waxaa saaka soo booqday wafti kasocda Jamacada Bristol kaas oo uu hogaaminayey Professor Jaap Velthuis, oo aay weheliyaan mas'uuliyiin ka socday Hay'

Xaruunta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Hargaysa waxaa saaka soo booqday wafti kasocda Jamacada Bristol kaas oo uu hogaaminayey Professor Jaap Velthuis, oo aay weheliyaan mas'uuliyiin ka socday Hay'adda Transparency Solultions oo hogaaminayo Mustafe Cilmi. dhanka kale, maamulka machadka oo ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi ayaa wefitiga kusoo dhaweeyey Machadka. Labada dhinac waxaa aay isla qaateen in la sii wado xidhiidhka iskaashi, lana soo kordhiyo barnaamijyada aay Jaamacada Bristol siiso shaqaalaha iyo ardayda Machadka. Teamka ka socday Jaamacadda Bristol iyo Transparency Solutions ayaa Machadka uga mahadnaqay sida aay uga faaidaysteen barnaamijyadii hore, haatana aay u diyaarsan yihiin bilawaga kuwa cusub.
Ugu danbayn, agaasimaha fulinta Machadka ayaa uga mahadceliyay waftifaga booqashada, kuna bogaadiyey in aay si socdaan xidhiidhka labada dhinac.