Xarunta Mac'hadka ee gobollada bari, xarunteeda Burco ayaa maanta u furtay Isuduwayaasha iyo agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee gobolka Togdheer, tabobar ku

Xarunta Mac'hadka ee gobollada bari, xarunteeda Burco ayaa maanta u furtay Isuduwayaasha iyo agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee gobolka Togdheer, tabobar ku saabsan diyaarinta qorshayaasha shaqo iyo miisaaniyadaha(Work and Budget Plan Preparation). Tabobarka waxa u furay guddoomiyaha gobolka Togdheer mudane Maxamed Cabdilaahi Ibraahim iyo Agaasimaha Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee gobollada bari, Mudane Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed.
Guddoomiyaha gobolka iyo Agaasimaha Mac'hadka ee gobollada bari ayaa ku boorriyay shaqaalaha iyo masuuliyiinta gobolka in ay ka faa'idaystaan tabobarrada noocan ah ee kor u qaadaya xirfaddooda iyo awooddooda shaqo, sidoo kalena ugu bushaareeyay in sannadkan Mac'hadku bilaabi doono Jaamacadda heerkeeda koobaad (BA) si kor loogu qaado aqoonta shaqaale waynaha jamhuuriyaddda Soomaalilaand ee gobollada bari.