Xarunta gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute-Burao Center waxa maanta safar shaqo ku yimi Agaasimaha Fulinta ee Mac'hadka mudane Omer-sayid Qalonbi oo uu weheliyo A

Xarunta gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute-Burao Center waxa maanta safar shaqo ku yimi Agaasimaha Fulinta ee Mac'hadka mudane Omer-sayid Qalonbi oo uu weheliyo Agaasimaha Cududda Shaqaalaha ee Mac'hadka mudane Cabdiqadir Kaamil. Waxa halkaa ku soo dhaweeyay labadaa masuul shaqaalaha xarunta gobollada oo uu hoggaaminayo Agaasimaha xarunta mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni, waxa aanay warbixinka siiyeen hawlaha Mac'hadka oo ay ugu muhiimsanayd qabanqaabada xafladda furitaanka waxbarashada heerka koobaad ee Jaamacadda oo dhici doonta maalinta isniinta, ay bishu tahay 21/8/2023.