Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawadda (Civil Service Institute-Burao Center )ayaa maanta ka qaadday imtixaanka soogalitaanka 276 arday oo ka kala yimi in ka badan 37 wasaaradood, hay

Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawadda (Civil Service Institute-Burao Center )ayaa maanta ka qaadday imtixaanka soogalitaanka 276 arday oo ka kala yimi in ka badan 37 wasaaradood, hay'adood iyo qaybaha kala duwan ee ciidanka sida military ga, asluubta, bilayska, iyo dabdemiska oo soo codsaday in ay ka mid noqdaan ardayda baranaysa heerka koobaad ee Jaamacadda (Bachelor Degree).
Waxa u furay imtixaanka agaasimaha xarunta gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni.
Sannadkan waxa ay xaruntu qaadanaysay laba kulliyadood oo heerka koobaad ee Jaamacadda oo kala ah Public Administration iyo Accounting and Finance.