Xalay waxaa ka qabsoomay magaalada Burco Xaflad lagu Daah-furayay Wax-barashada heerka koobaad ee Jaamacada, taas oo laga bilaabidoono Machadka Shaqaalaha Dawladda Xaruuntiisa Gobollada bari ( Civil S

Xalay waxaa ka qabsoomay magaalada Burco Xaflad lagu Daah-furayay Wax-barashada heerka koobaad ee Jaamacada, taas oo laga bilaabidoono Machadka Shaqaalaha Dawladda Xaruuntiisa Gobollada bari ( Civil Service Institute-Burao Center ), xafladaas oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin Badan oo ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay'addaha Dawladda oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid J. Qodax , Agaasimah fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda mudane Omer-sayid Qalonbi , sida oo kale waxaa kaso qaybgalay bulshada jecel wax-barashada iyo shacbi waynaha Gobolka Togdheer.
Ugu Danbayn, Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxaa uu mar labaad ugu busharaynaya gaar ahaan Xarunta Gobollada bari in ay bilaabayaan wax-barasha heerka koobaad ee Jaamacada, isdiiwaangelintuna waxaa aay hadda ka socotaa xarunta Machadka ee Burco.