Xaflad maamuus sharafeed ah oo ay soo agaasimeen ardaydda kulliyada maaraynta cududda shaqaalaha, waxa ay si gaar ah u milgo sooreen saddex macallin oo ka mida macallmiinta kulliyadda oo kala ah: Dr.

Xaflad maamuus sharafeed ah oo ay soo agaasimeen ardaydda kulliyada maaraynta cududda shaqaalaha, waxa ay si gaar ah u milgo sooreen saddex macallin oo ka mida macallmiinta kulliyadda oo kala ah: Dr. Khaalid Ismaaciil, bare sare Khadar Abdi iyo madaxa kulliyadda siyaasadda iyo maamulka hay'adaha dawladda Abdisalan Mohumed.
Barayaashan ayaa muujiyay dedaal dheerad ah oo ay ka mahad sheegteen ardayda kulliyaddan. Sido kale barayaasha ayaa dhankooda abaal celin badan ka muujiyay kaalinta maamuus iyo qadarin ee ardaydu u muujiyeen. Maamulka Kulliyadda Ahmed Egeh ayaa uga mahadnaqay dhammaan ardayda iyo macallimiinta.