Waxa uu Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu marti ahaan ugu yeedhay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ibraahin Koodbuur Mudane Maxamed Iimaan iyo Axmed

Waxa uu Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu marti ahaan ugu yeedhay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ibraahin Koodbuur Mudane Maxamed Iimaan iyo Axmed oo ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose ee 20 kii sano ee u danbeeyay, si ay ardayda dhigata kuliyadda Maamulka Magaalooyinka (Urban Management) u siiyaan xog ku saabsan qaab maamulka dhulka, nidaamka GIS ka ee ay degmada Hargeysa isticmaali jirtay iyo idil ahaan xuduudaha degmooyinka maadaama oo ay dhiganayeen Maaddada Maamulka Dhulka Magaalooyinka oo uu dhigayay Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed.