Waxa uu Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu halkan ku gudoonsiyay shahaadooyin uga mahadcelinayaa Macalimiintii Jaamacaddaha iyo Saraakiishii Hay’adaha Dawladda

Waxa uu Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu halkan ku gudoonsiyay shahaadooyin uga mahadcelinayaa Macalimiintii Jaamacaddaha iyo Saraakiishii Hay’adaha Dawladda ee sida wanaagsan u dhamaystay Tababarradan ay iska kashanayeen Machadka Shaqaalaha Dawladda ee CSI iyo Machadka Maamulka iyo Maaraynta Dawladda ee Ghana.
Sida oo kale, waxa uu Maamulka Sare ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane; Omer Eid Qalonbi, u mahadcelinayaa Bangiga Aduunka oo dhaqaale ahaan ka taageeray Dawladda Somaliland hirgalinta sharuuca Dib-u-habaynta Dawladda ee ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu hogaamiso oo mashruucan Tabararrada ee Tababarrada Tabarayaasha (Training of Trainers) qayb ka ahaa.
Ugu danbayn, Waxa uu Maamulka Mac'hadku u mahadnaqayaa masuuliyiintii qaranka ee waqtigooda u huray in ay dhamaystaan tababarradaa .
Allaa Mahadleh.