Waxa Saaka oo Bishu tahay 19/2/2023 ka bilabmay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Qaybtii Saddexad barnaamij Tababbar ah oo ku saabsan Bud-dhiga Maareenta Mashariicda (Project Management Essentials)oo sh

Waxa Saaka oo Bishu tahay 19/2/2023 ka bilabmay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Qaybtii Saddexad barnaamij Tababbar ah oo ku saabsan Bud-dhiga Maareenta Mashariicda (Project Management Essentials)oo shaqaale waynaha qaranku baahi wayn u qabaan; barnaamijkaas oo ay iska kashanaya SDF(Somaliland Development Fund) iyo Mac'hadka Shaqaalaha Dawlada Barnaamijkaso iskugu jira saddex qaybood oo kala ah Result Based Management, Workplan iyo Budgeting oo socon doona 10 maalmood, waxaana ka qayb qadanaya shan wasaaradood oo ay ka kala socdaan 25 qof.
sidookale furitaanka tababarkaas waxa kaso qayb galay Agaasimaha fulinta Mac'hadka Mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Agaasime ku xigeenka Badri Abdilahi waxa barnaamijka bixinaya Macalimiin Ku takhasuusay Barnamijka ay bixinayaan;Tababbarkaas ugu horeya ee RBM waxa bixinaya tababare Abadikadir Kamil iyo Khalid Ismail