Waxa maanta Xarunta Gobolka Togdheer ee Mac'hafka Shaqaalaha Dawladda ka dhacday xil wareejinta Agaasimihii Hore ee gobollada bari Mudane Maxamuud Siciid Cadaad iyo agaasimaha cusub Eng. Sakariye Cabd

Waxa maanta Xarunta Gobolka Togdheer ee Mac'hafka Shaqaalaha Dawladda ka dhacday xil wareejinta Agaasimihii Hore ee gobollada bari Mudane Maxamuud Siciid Cadaad iyo agaasimaha cusub Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed. Munaasibadda waxa kale oo goobjoog ka ahaa Agaasimaha Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Cumar Iid Qalombi iyo Agaasime Xigeenka Mac'hadka mudane Badri Cabdilaahi Maxamed.
Waxa xilka u kala wareejiyay labada agaasime Guddoomiyaha Gobolka Togdheer mudane Maxamed Cabdilaahi Ibraahim iyo Agaasimaha Mac'hadka mudane Omer Iid Qalombi. Sidoo kale waxa goob joog ahaa isuduwayaasha, Maayar ku Xigeenka degmada, xubno golaha deegaanka ka mid ah, waxharadka, aqoonyahanka iyo hoggaanka gobolka.