Waxa maanta xafiiska Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee gobollada bari booqasho shaqo ku yimi guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda mudane Khalid J. Qodax. Waxa halkaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Ma

Waxa maanta xafiiska Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee gobollada bari booqasho shaqo ku yimi guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda mudane Khalid J. Qodax. Waxa halkaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi, Agaasimaha Xarunta gobollada bari Mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni, Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Mac'hadka mudane Mohamoud Saed Adaad iyo Agaasimaha cududda shaqaalaha ee Mac'hadka mudane Cabdiqaadir Kaamil iyaga oo u joogo hawlo shaqo Xaruunta Gobollada bari ee burco.