Waxa maanta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda marti ku ahaa oo siinayay xog ku saabsan dawladaha hoose ardayda dhigata kuliyadda Public Admintration ee sannadka koobaad, Guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan maadaama oo ay kalkan dhiganayeen maadada Maamul Daadajinta iyo Dawladaha Hoose oo uu dhigo Macallin Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed si uu ula wadaago khibraddiisa uu u leeyahay Dawladaha Hoose iyo qaabka ay uga hirgashay maamul daadajintu. Sidoo kale ardayda ayaa su'aalo ka waydiiyay shaqadooda, qaabka ay u shaqeeyaan iyo masuuliyadaha loo daadajiyay.