Waxa maanta ka qabsoomay xafiiska badhasaabka gobolka Togdheer shir ay ka soo qayb galeen badhasaabka gobolka Togdheer, agaasimaha xarunta gobollada bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda xoghayaha gob

Waxa maanta ka qabsoomay xafiiska badhasaabka gobolka Togdheer shir ay ka soo qayb galeen badhasaabka gobolka Togdheer, agaasimaha xarunta gobollada bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda xoghayaha gobolka Togdheer iyo isuduwayaasha gobolka Togdheer, shirkaas oo lagaga arrinsanayo fursadda wayn ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladdu (Civil Service Institute-Burao Center) uu u soo kordhiyay shaqaale waynaha dawladda iyo dhammaan bulsho waynta gobollada bari ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand, fursaddaasi oo ah furitaanka waxbarashada jaamacadda heerka koobaad (Bachelor Degree) oo uu Mac’hadku ka bilaabi doono xaruntiisa Burco.
Maadaama oo ay aad u kooban tahay tirada la qaadanayaa, waxa aad ka heli kartaa wixii xog ah sida, wakhtiga la bilaabayo isdiiwaangalinta, shuruudaha looga baahan yahay cidda galaysa iyo wixii la halmaala Xafiiska Xarunta Gobollada Bari oo ku taalla ka soo horjeedka Madaxtooyada Burco / dhinaca hawd ka xigta Xarunta Bisha Cas, ama Taleefannada hoos ku xusan.
WhatsApp: +252 63 7459297/ Tell: 063-4364887/063-4434833/063-7229911