Waxa maanta ka qabsoomay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Xaruntiisa Burco, shirkii billaha ahaa ee shaqaalaha xarunta. Shirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shaqada uu Mac'hadku u

Waxa maanta ka qabsoomay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Xaruntiisa Burco, shirkii billaha ahaa ee shaqaalaha xarunta. Shirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shaqada uu Mac'hadku u hayo qaranka Jamhuuriyadda Somalilaand.
Agaasimaha Mac'hadka xaruntiisa Burco, Mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni ayaa shaqaalaha u bandhigay qorshaha sannadka ee xarunta Burco, shaqada u qaybiyay shaqaalaha Mac'hadka.
Ugu danbayn, shaqaalaha Mac'hadka ayaa iyaguna ra'yigooda ka dhiibtay qorshayaasha Mac'hadka iyo qaababka ugu habboon ee ay u malaynayaan in lagu gaadhi gaadhi karo hiigsiyadaa xarunta.