Waxa maanta galinkii hore xarunta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee gobollada bari, xaruntiisa Burco uu u soo xidhay shaqaale dhammaystay English Diploma Program oo socotay muddo siddeed bilood ah iyo

Waxa maanta galinkii hore xarunta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee gobollada bari, xaruntiisa Burco uu u soo xidhay shaqaale dhammaystay English Diploma Program oo socotay muddo siddeed bilood ah iyo tabobar gaaban oo ah Diyaarinta Qorshe Hawleedyada iyo Miisaaniyaddooda (Workplan Preparation and Budgeting) oo la siinayay isuduwayaasha iyo agaasimayaasha maamulka iyo maaliyadda. Waxa ka faa'idaystay labadaa program shaqaale kor u dhaafaysa 55, oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee gobolka Togdheer, xarumahooda Burco.
Xafladda guddoonsiinta shahaadada ayaa ka dhacday hoolka xafiiska badhasaabka gobolka, waxana guddoonsiiyay shahaadooyinka Badhasaabka Gobolka, Agaasimaha Xarunta Mac'hadka ee Burco iyo macallinkii siinayay tabobarka gaaban, shaqaale waynihii gobolka Togdheer ee dhammaystay labadaa program.