Waxa galabta uu soo gabogabeeyay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda xaruntiisa Burco, seminar labo cisho ahaa oo uu daadihinayay agaasimaha mac'hadka ee xarunta Burco Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni, semin

Waxa galabta uu soo gabogabeeyay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda xaruntiisa Burco, seminar labo cisho ahaa oo uu daadihinayay agaasimaha mac'hadka ee xarunta Burco Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni, seminar kaas oo ku saabsanaa doorka ay tabobarrada gaagaaban iyo xirfadaha laga helaa ka qaataan shaqada iyo wanaajinteeda.
Waxa iska kaashaday seminar kan Xarunta Mac'hadka ee Burco iyo Jaamacadda Alpha faraceeda Burco. Waxa qaadanayay oo ka soo qayb galay qaybo kamid ah shaqaalaha xarumaha dawladda, ardayda jaamacadaha oo ay u horreeyaan ardayda sannadkan dhammaynaysa Jaamacadda Alpha, iyo qaybo ka mid bulsho waynta reer Burco oo ka faa'idaysanayay.